
21st February 2025 admin Category :
Dad isugu soo baxay Munich oo gaari la jiirsiiyey
Ugu yaraan 20 qof ayaa dhaawacmay kadib markii gaari uu ku jiiray dad isugu soo baxay magaalada Munich Khamiista maanta ah sida ay boolisku sheegeen, xilli magaalada koonfureed ee Jarmalka ay isu diyaarineyso shir ammaan oo heer sare ah oo ay ka qeyb galayaan Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy.
Wargeyska Bild ayaa sheegay in boolisku baarayaan in darawalka gaari nooca Mini Cooper ah uu si kas ah ugu jiiray dadka ama uu isku khalday sheelaraha iyo bareega.
Booliska ayaa barta X ku sheegay inay xireen darawalka ayna rumeysan yihiin inuusan khatar dambe ku ahayn dadka, hase yeeshee ka gaabsaday inay shil ku tilmaamaan arrintan.
“Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhaawacmay, qaarkood si daran,” afhayeenka booliska Munich ayaa yiri.
Shirka Amniga Munich ayaa Jimcaha bilaabanaya, waxaana magaalada soo gaarayay saraakiil sare, oo ay ku jiraan Vance iyo Zelenskiy, Khamiista.
Hawlgal ballaaran oo boolis ah ayaa ka socday agagaarka saldhigga tareenka dhexe ee magaalada.
“Hal qof ayaa dhulka jiifa, nin dhalinyaro ahna booliska ayaa qaaday. Dad badan ayaa dhulka fadhiya, iyagoo ooyaya oo gariiraya,” wariye ka tirsan warbaahinta BR ee maxalliga ah ayaa ku qoray barta X.
Shilka ayaa saameeyay dad ka qeyb qaadanayay dibadbax la xiriiray shaqo-joojin uu abaabulay ururka shaqaalaha Verdi, sida uu sheegay telefishinka.
Ururka Verdi ayaa sheegay inaysan wax macluumaad ah ka haynin dhacdada.
Booliska ayaa goob markhaatiyaasha loogu talagalay ka sameeyay Loewenbraeukeller, oo ka mid ah goobaha khamriga ee ugu da’da weyn Munich.
Dhacdadu waxay ka dhacday qiyaastii meel 1.5 kiiloomitir (1 mayl) u jirta goobta shirka amniga.
Amniga Jarmalka ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo toddobaadka soo socda la filayo doorashada federaalka, islamarkaana ay jireen weerarro rabshado wata oo taxane ahaa.