16th September 2024  admin  Category :

Beerta Xayawaanka Berlin ee dalka Jarmalka ayaa maanta u dabaaldagay sannad-guurada 66-aad ee kasoo wareegatay, dhalashada Fatou oo ah daayeer goriillaha ugu da’da weyn daayeerta caalamka.

Shaqaalaha Beerta Xayawaanka ee magaalada Berlin ayaa Fatou ku casuumay casho gaar ah oo isugu jirtay khudaar kala duwan iyo qaro ama xabxab.

Fatou, oo ah gorillaha nuuca galbeedka ayaa macaansatay oo u riyaaqday cuntada loogu keenay dhalashadeeda, iyada oo dadka dalxiisayaasha ah iyo kuwa booqday xerada ay sawirro ka qaadanayeen.

Ruben Gralki oo ah nin xannaaneeya daayeerkan yaa sheegay in jaadka goriillaha ay ka dhalatay ay noolaadaan qiyaastii 45 ilaa 50 sano, balse in Fatou ay soo dhaafto da’da 60-ka sano ay tahay arrin cajiib ah.

Bayaan laga soo saaray Beerta Xayawaannada Berlin ayaa lagu sheegay in da’da rasmiga ah ee Fatou aanan la aqoon, balse la keenay xeradan sannadki 1959, markaas oo qiyaasta da’deedu aheyd laba sano.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*