3rd October 2024  admin  Category :

Daawo muuqaalka Imaamka ay bisadda garabka ka fuuleyso ee indhaha caalamka soo jiitay

Kaamaarad si toos ah u duubeysay misaajid laga tukanayay salaadda taraawiixda ayaa muujineysa Imaam misaajid oo ay yaanyuur ku boodeysa oo ay ku dul socoto. Bisadda ayaa si tartiib ah u fuushay garabka Imaamka oo tujinayay taraawixda.

Muuqaalkan oo baraha bulshada aad loogu wadaagay ayay dadku waxa kaga hadlayeen sida Imaamka uu xasilooni iyo naxariis ugu muujiyay yaan-yuurta.

Dhacdadaan ayaa waxay ka dhacday magaalada Bordj Bou Arreridj ee dalka Aljeeriya.

Ugu dambeyn bisadda ayaa waa ay ka degtay garabka Imaamka waxaana muuqaalka laga arki karaa iyadoo socota safka hore ee jameecada ku daba-tukaneysay Imaam Waliid

https://youtu.be/Av2UT-Lgz9g

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*