7th September 2024  admin  Category :

Daawo: Mareykanka oo hub iyo gaadiid dagaal ku wareejiyey DF Soomaaliya

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa galabta safaarada Mareykanka ee Soomaaliya kala wareegay hub ay ugu talagaleen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Danab.

Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Larry Andre, ayaa munaasabadda maanta ka dhacday safaaradda wuxuu ku wareejiyey wasiirka, hubkaas, agab kale oo ciidan iyo gadiid dagaal, asagoo sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen la-dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa Mareykanaka uga mahad celiyey garab istaagga ay u muujiyeen ciidanka xoogga dalka, isagoo sheegay in tani ay fariin u tahay dalalka kale ee caalamka.

“Waxaan maanta la wareegnay agab loogu tala galay Danab, dowladda Mareykanka aad ayey nooga taageertay dagaalka Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiir Jaamac ayaa intaas ku sii daray, “Mareykanku wuxuu noo gartay inuu nagu garab istaago xaaladaan adag, waxaan maanta kala wareegeynaa agabkii ay ciidankeenu u baahnaayeen, waa fariin iyo garab istaag wada socda hubkaan uu Mareykanku nasiiyey.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*