24th October 2024  admin  Category :

Heshiiskii 1988 ee dawladdii kacaanka ayaa Puntland la doonayaa maanta in lagu cunaqabateeyo maanta. Mucaaradka Puntland ilaa hadda dawladdii kacaanka waxay ka xasuusan yihiin heshiiskan. Goormaa Daalo iyo Jubba noqdeen Diyaarado u daneeya bulkshada reer Puntland

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Oomaar oo waraysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay inaysan u kala gooshi karin magaalooyinka Soomaaliya dhexdooda diyaarada Ethopian Airways,ganacsigaasna uu xiran yahay oo kaliya shirkaddaha duulimaadyadda SOOMAALIDA.

Wuxuu sheegay Wasiirku inuu jiro heshiis horay loo galay kaasoo ah ( Draft),islamarkaana diyaaraddu samayn karto oo keliya duulimaadyo ah Muqdisho-Adisababa Ama Hargaysa-AdisAbaba Ama Garowe-AdisAbaba sidaas si la mid ahna ay samayn karaan diyaarada Somali Airlane Ama cida ku matalaysa.

Wuxuu sheegay in 1988 labada dawladood ku kala saxiixdeen heshiis u ogolaanaya inay ku kala tagaan dhawr magaalo oo ku kala yaala labada wadan, hadana ay wadaan heshiis cusub oo labada wadan u dhaxeeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*