16th September 2024  admin  Category :

Madaxwweyne Culusoow oo la kulmay Sarkaalkii la doonayey in Darajadiisa la bililiqaysto

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Culusoow ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada cirka dalalka Soomaaliya ee ka qalin jabiyay Kulliyadda Al-saciim ee Ciidamada Cirka dalka Qatar.

Madaxweynaha oo dhammaan Saraaakiishan ku bogaadiyey dadaalka iyo kartida ay muujiyeen muddada uu socday tababarku ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyey Saciid Cali Cabdilaahi oo magac u soo hoyay Ciidamada Cirka Dalkeenna kaddib markii uu kaalinta 1-aad u galay dhammaan Saraakiishii ka socotay dalalaka Qatar iyo Soomaaliya tababarka dhanka Taakuleynta Ciidanka Cirka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*