7th June 2025  admin  Category :

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Culusoow ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq halkaas oo uu uga qaybgali doono meertada 34aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.

Shirka ayaa lagu gorfayn doonaa arrimo la xiriira dadaallada lagu doonayo in xal waara loogu helo xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee ka aloosan qaybo badan oo ka tirsan mandiqadda, iyada oo Madaxwaynuhu Jamhuuriyaddu uu dhankiisa ka soo bandhigi doono halganka ka dhanka ah Khawaarijta ee ay Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiraan.

v

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*