6th October 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Culusow iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhaba halkaasi oo uu ka socdo wejiga labaad ee Shirka dib u heshiisiinta Koonfur-galbeed.

Safarka Madaxweynaha oo ah kii labaad ee uu ku tago magaalada Baydhabo muddo 11 maalmood gudahood ah ayaa ku qotama xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis iyo sidii uu miro dhal u noqonlahaa shirka dib u heshiisiinta ee halkan uga socda hoggaanka, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo mas’uuliyiin kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*