16th September 2024  admin  Category :

Culusoow iyo iyo Xi oo isku raacay xoojinta xiriirka labada dal

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay magaalada Beijing madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, sida ay sheegeen labada dhinac.

“Labada Madaxweyne ayaa waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer sareeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Sida lagu yiri qoraalka, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay siyaasadda labada dal “ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada.”

Dhinaca kale, warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa qortay in Xi Jinping iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay ku dhowaaqeen sare u qaadista xiriirka labada dal oo la gaarsiiyo heer iskaashi istiraatiiji ah.

“China waxay dooneysaa iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, kalluumeysiga iyo tababarrada shaqaalaha,” ayuu Xi u sheegay mar uu la kulmay Xasan Sheekh oo Beijing uga qeybgalaya Shir Madaxeedka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee 2024-ka (FOCAC), sida ay ku warantay warbaahinta Biejing.

Xi ayaa sheegay in Shiinuhu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo howlgallada nabad ilaalinta caalamiga ah ee Soomaaliya, isla markaana uu dalka ka taageeri doono sidii kor loogu qaadi lahaa awooddiisa horumar madax-banaan, la dagaallanka argagixisada iyo ilaalinta xasilloonida.

Madal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*