7th September 2024  admin  Category :

Madaxwyne Xasan Culusoow oo casho sharaf ku maamuusay Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa warbixin kasiiyay dagaalka ka dhanka argagixisada iyo qorshaha dowlada ee ka hortagga xad-gudubka Itoobiya ee madax-bannaanida dalka iyo difaaca dhulka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka ayaa ku bogaadiyay doorkooda taariikhiga ah ee ay ka qaateen ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida Qaranimada dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaannada warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo qorshaha dowladda ee ka hortagga xad-gudubka dowladda Itoobiya ee madax-bannaanida dalka iyo difaaca dhulka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa kaloo ka qrybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*