8th September 2024  admin  Category :

Ciyaaraha Todobaadka Soomaalida Toronto oo xalay furmay

Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa xalay ka furmay cayaaraha toddobaadka Soomaalida oo lasoo qabanayay soddonkii sano ee u dambeeyay.

Qaban qaabiyeyaasha ayaa ujeedka ugu weyn ku sheegay sidii dhallinyarada looga mashquulin lahaa inay ku dhacaan falalka aan wanaagsaneyn.

Wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji, ayaa furitaanka cayaaraha ka wareystay, Yuusuf Abiikar Cali (Yowbaby) oo kamid ah ururka TODAY ee qaban qaabiya cayaaraha, Amiin Nuur oo ka tirsan kooxda Seyf oo ka dhisan magaalada Toronto oo sanadkii hore ku guuleystay koobka, iyo Daahir Maxamed Raage (Daahir Boodaaye) oo marar kala duwan macallin usoo noqday xulka qaranka ee kubadda cagta Soomaaliya.

Yuusuf Abiikar Cali ayaa ugu horreyn ka jawaabaya tartankan iyo waxa uu uga duwan yahay sanadihii hore.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*