29th December 2024 admin Category :
Masuuliyiin ka Tirsan Golayaasha Dawladda Puntland oo ay wehwliyaan cutubyo katirsan Ciidanka Booliska ee Gobolka Cayn ayaa lagusoo dhaweeyay magaalada Buuhoodlle.Waftiga oo ay kamid yihiin Xildhibaan Axmed Xariir Gaas xildhibaan C/risaaq Maxamed sahal ,Xildhibaan Cabdirahmaan Axmed Aden iyo Wasiiru Dowlaha Qorshaynta Cabdiraxman Caydiid iyo saraakil sar sare oo Ciidamada Booliska ah ayaa si wahn loogusoo dhaweeyay magaalada Buuhoodle.
Waftiga ayaa hormuud u ahaa Guutooyin ka Tirsan Ciidamada Booliska kuwaa oo dhawaan Madaxweynaha Dawladda Puntland mudane Siciid Cabdullaahi Deni tababar ugu soo xiray xerada Xorgoble ee Maagalada Qardho.Waxgaradka ,cuqaasha iyo qaybaha bulshada Buuhoodlle ayaa si diirran usoo dhaweeyay Ciidamada iyo Masuuliyiinta dawladda.