20th September 2024  admin  Category :

Siciid Suldan cabdisalaan Suldan maxamuud Garaad cali shire ayaa ugu hambalyeeyay umada islamka munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo Sanadka 1445Hijriga.

SULDANKA GUUD EE BELAHA HARTI Suldan Siciid Suldan cabdisalaan Suldan maxamuud Garaad cali shire ayaa ugu hambalyeeyay umada islamka munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo Sanadka 1445Hijriga.

Suldanka ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin maalmahan barakeysan ee bisha Carafo oo astaan u ah isu-naxariisashada, ilaalinta danta guud iyo midnimada dadka muslimiinta ah.

“Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmihii gudashada waajibaadka Xajka, iyada oo ay tahay in aan badino Alle bariga, is-cafinta iyo sadaqada”.

“Munaasabaddan farxadda Ciidda Carafo waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, agoonta, iyo dariska danyarta ah oo xuquuq weyn ku leh qooys kasta.”

Suldanka ayaa Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta daafaha adduunka ku nool ee u dabbaaldegaya munaasabadda Ciiddan caafimaad, horumar, nabad iyo barwaaqo.

Like

Comment

Send

Share

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*