16th April 2024  admin  Category :

Rooble ayaa Caawa diiday in uu ka qayb-galo xaflad saagooyin ah oo loogu sameeyay Madaxtooyada Puntland

Salaan Aan Niyad Ahayn

Waxaa gebi ahaanba fashil ku dhammaaday, kulamo kala duwan oo dhexmaray Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyna Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kadib markii la isku fahmi waayay xal u helidda muranka Doorashada 2020/2021.

Ra’iisul wasaare Rooble, ayaa ka dalbaday Puntland, in ay magacowdo guddi-hoosaadka Doorashooyinka heer Puntland, kadibna Muqdisho la isugu yimaado shir u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, si loo xalliyo muran ka jira.

Laakiise , Madaxweyne Deni ayaa shardi ka dhigay in marka hore Dowladda Federaalku ogolaato in Jubaland gacanteeda lagu celiyo Gobolka Gedo, si ay Doorashada uga qabtaan, taas oo Ra’iisul wasaaruhu diiday.

Sidoo kale, Mr Deni wuxuu codsaday in dhammaan la beddelo xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Gobollada Waqooyi ee Somaliland, islamarkaana guddi la isla ogolyahay la sameeyo, si muranka looga gudbo.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaare Rooble ayaa Caawa diiday in uu ka qayb-galo xaflad saagooyin ah oo loogu sameeyay Madaxtooyada Puntland, waxaana la filayaa in uu berri u safro dhinaca Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*