18th October 2024  admin  Category :

Dhowaan markii wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliyeed Xasan Culusoow lagu sheegay in Soomalida ku nool wadamada deriska ah ay inoo egyihiin oo luqadda Af Soomaaliga ku hadla aanay heli karin dhlashada Soomaalinamada, ayaa in badan oo Soomaalida ka mid ah waxay sugayeen Jawaabta uu ka bixiyo RW Xamze oo isaga ruuxaddiisa Soomaalinimadiisa sida ay Hawiye Action Group wax u wadaan shaki la geliyey.

Jawaabtii laga sugayey xafiiska Rw Xamze, waxa ka soo hor maray fadeexado isdaba socda oo tii u horaysay ahayd: Dhowaan markii uu Raisul wasaare Xamze la kulmay Madaxweyne Biden, sida Baratakoolku yahayna waxa sawirka wada gala Qoyska madaxweyaha Marakanka iyo Qoyska uu martida ah, haddii uu xaas lahayna keligiis ayaa la kulmay. Hadaba maxaa dhacay

Markii sawirka la gelayey wiil yar oo ka shaqeeya Xafiiska Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa isku soo kakabiyey oo dhinaca dhinaca u saaray Jill Tracy oo ah xaaska madaxweynaha Biden, ahaydna halkii ay istaagi lahayd xaaska ama madaxweynaha Martida ah.

Nimankii fool xumaadaa u keenay Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo la doonayey in lagula xisaab tamo ayaa hadda Muuqaal ay iska soo duubeen waxay ku leeyihiin ‘Gacantii aanu ku salaanay Biden oo ah hogaamiyaha Maraykanka ma doonayno inaan cid kale salaano

Ugu danbayntii waa nasiib xumo 63 sano oo aynu xor ahayn in maanta kuwa xafiiska ugu sareeya Soomaaliya fadhiyaa ay yiraahdaan ama Soomaali wax qabad u dhigaan inay salaameen Gacan Cad, iyaga oo midabkii sharaftii, diintii iyo sumacadii Soomaaliyeed liidaya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*