Category Archives: WARAR: AF SOOMAALI

13th May 2025 admin
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo oo uu kaga qayb galayo Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ku joogo magaalada Istanbuul, ayaa la kulmay dhiggiisa Mudane Recep Dayyip Erdogan. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa […]

13th May 2025 admin
War-murtiyeed kasoo baxay Dowlad-gobaleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, ayaa looga hadlay kulamo maalmihii lasoo dhaafay uga socday magaalada Kismaayo Madaxweynayaasha labada Maamul Axmed Maxamed Islaam iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo looga hadlay iskaashiga labada dhinac ee Amniga iyo Doorashooyinka Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa heshiis ku gaaray dardargelinta iyo daahfurnaan doorashooyinka, xoojinta nidaamka Federaalka […]

13th May 2025 admin
Istanbul waxaa lagu aasay Baashi Xoosh Jabriil oo koox Burcad ah 6 Dismber Ku Dishay Istanbul .

13th May 2025 admin
Degmada Badhan ayaa maamulka Puntland xariga ka jareen Xafiisyo dhowr ah oo ay degmadaas ka hirgeliyeen Very delighted that we have cut the ribbon for newly constructed and renovated #Govt offices in #Badhan_Sanaag incl the #Central Police, the #Division of the Sanaag Police, #Local GovtPremises and the #Court aiming to increase the govt service delivery […]

13th May 2025 admin
Waxaa berri ka furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkey shirka Turkiga iyo Africa oo diiradda lagu saarayo xiririka ganacsi ee Turkiga iyo Qaarada Africa, iyada oo Turkigu saameynta dhaqaale iyo Ganacsi uu ku leeyahay Qaarada Africa.
13th May 2025 admin
Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Kismaayo Xubno kamida Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal(GHDHF), oo uu hoggaaminaayo guddoomiye ku- xigeenka GHDHF Abukaate Mowliid Mataan Salaad ayaa gaaray magaalada Kismaayo, waxana halkaasi kusoo dhaweeyay gudoomiye ku-xigeenka gudigga maamulka doorashada dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Maxamud Dhaqane iyo xubno katirsan guddiga SEIT ee Jubbaland. Maalmaha soo […]