Category Archives: WARAR: AF SOOMAALI

14th March 2025 admin
KHARTOUM — Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa ku heshiiyey xabbad-joojin soconaysa muddo 24 saacadood ah, oo ka billaabmaysa fiidnimada Talaadada. Xabbad-joojinta ayaa timid kadib cadaadis uga yimid xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken oo ku saabsan joojinta dagaalka lagu hoobtay ee ka dhacay caasimadda dalka Sudan ee Khartoum iyo weliba rasaas lagu […]

14th March 2025 admin
Mas’uuliyiinta SNMta ayaa si bareer ah u qabyaaladeeyey raashin la doonayaye in laga qeeybiyo nawaaxiga Tog Wajaale. Hadaba, dadkii raashinka dhinaca lagala dhaafay ayaa sheegay in raashinkoodii loo duway qabiilo gaar ah. Waxa la qiyaasaa in qabyaaladda Soomaaliya ka jirta oo dhan marka la isku darro ay 70% boqolkii taallo deeggaanadda ay ka talliyaan SNMta, […]

14th March 2025 admin
Bulshada ku dhaqan deegaanka Awrboogeeys ayaa sheegay in aysan ogolleeyn in deegaanadooda ay soo maraan gaadiidka ku socda ama ka imanaya degaanada SNMta. Arrintan ayaa qeeyb ka ah cunnaqabateeynta lagu soo roggay SNMta.

14th March 2025 admin
Markab sida qalab lagu ballaarinayo dekkedda Boosaaso ayaa ku soo xirtay dekkeddaas. Dekkedda Boosaas ayaa noqotay mid mashruuceeda ballaarinta uu muddo dheer soo jiitamayey, waxeeyna dadka ka muujinayaan shaki aad u ballaaran in lagu guulleeysan doono dhammeeystirkeeda.

14th March 2025 admin
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Talyaaniga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni, kulan hordhac u ah shirka saddex-geesoodka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare Meloni qorsheyaasha hirgalay ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo […]

14th March 2025 admin
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo si qaab daran loo magcaabay S/Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa Maanta ku wareejiyay Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir cadad gaadiid ah si loogu xoojiyo amniga Caasimada iyo Nawaaxigeeda, Gaadiidkan ayaa wax badan ka taridoona baahida gaadiid xumo ee horay ujirtay, Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sarre Mahadi […]