Category Archives: WARAR: AF SOOMAALI

10th March 2025  admin  

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo dib u furaya xadka labada dal. Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, ayaa go’aan ka gaaray in dib loo furo xadka u dhaxeeya si habeysan muddo sagaashan (90) maalmood gudahood ah oo ka bilaabaneysa maanta 15-ka May 2023. Barta xuduudka Mandheera iyo Buled-Xaawo  degmada Mandheera, ayaa dib loo furi doonaa soddon (30) […]

10th March 2025  admin  

Maxaa ka dhacay gudaha safaaradda Soomaaliya ee Suudaan? Wararka ka imaanaya magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan ayaa sheegaya in koox hubeysan ay xalay galeen safaaradda Soomaaliya ee dalkaas, isla markaana ay dhac ka geysteen. Warbaahinta qaar ee Suudaan ayaa baahiyay in dhismaha safaaradda oo ka kooban saddex dabaq la galay oo qalab laga qaatay. […]

10th March 2025  admin  

Turkiga ayaa u jiheystey doorasho ku celis ah kadib markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo ninka ay doorashada isku hayaan Kemal Kilicdaroglu midkoodna uusan helin aqlabiyadda codadka doorashadii Axadda. Si kastaba ha ahaatee, Erdogan, oo 69 jir ah, soona xukumayey dalkaas 20 sano, ahna hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee dalkaas, ayaa soo bandhigay natiijo ka […]

10th March 2025  admin  

Xaflad uu ku maamusayey xildhibaan Gaani Daahir Gaani oo ka tartamaya Ururka KAAH dhalinyarada xaafada Horseed/Xamdaan koob isdhexgalka iyo arrimaha bulshada ah, ayaa ka qabsoontay garoonka Macruuf ee Xaafadaasi, kulanka waxaa kasoo qayb galay qaar ka Mid ah golaha wasiirada, guddoonka gobolka iyo xafiiska dhexe ee ururka kaah kuwaas oo qayb ka ahaa Furitaanka Koobka.

10th March 2025  admin  

Tirinta codadka doorashada Turkiga oo socota iyo sida musharaxiintu u kala horeeyaan Waxaa socota tirinta codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday dalka Turkiga, iyada oo ay haatan soo baxayso natiijooyinkii ugu horreeyey ee hordhaca ahaa, ka dib markii la tiriyey qaybo ka mida sanaadiiqda codbixinta. Sida ay baahinayaan wakaaladaha wararka iyo weliba hay’adaha warbaahinta ee […]

10th March 2025  admin  

Maalin ka dib markii ay beelaha Isaaq iyo Harti ay isku khilaafeen sidii ay ugu wada noolaan lahaayeen magaalada Ceerigaabo oo gacan hadal dhex maray , ka dib qaar ka mid madaxda beesha Isaaq oo ka yimid Gabiileey iyo Arabsiyo ay magaaladaas ka bilaabeen daan daansi ah in xaafado ayna degin beeshoodi ay ka taagaan […]