Category Archives: Uncategorized

16th May 2025 admin
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa kala qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, qaabilaadda qoyska Alle ha u naxariistee G/S Mukhtaar Axmed farah Qoryood iyo Cabdifitaax Axmed Faraax Qoryood, oo ku shahiiday dagaalka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

16th May 2025 admin
Fallanqeyn: Ciidamada Puntland ma soo afjari karaan Daacish? Illaa 70 maleeshiyo oo Daacish ah iyo ugu yaraan 27 ka mid ah ciidamada Puntland ayaa ku dhintay, in ka badan 40 kalena way ku dhaawacmeen weerarro ismiidaamin ah oo kooxda Daacish ay xalay saqdii dhexe ku qaaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobolka Bari, iyo dagaal […]

16th May 2025 admin
Bulshada Koonfur Galbeed ee gobalka Nugaal ayaa ku wareejiyay Guddiga Taakuleynta Ciidamada ee gobalka Nugaal 20 neef oo geel ah, oo ay ugu talagaleen ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland, kuwaas oo ku guda jira wajiga labaad ee Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish. Siyaasi Maxamed Bishaar, oo kamid ah haldoorka bulshada Koonfur Galbeed ee degan Puntland […]

16th May 2025 admin
Mid ka mid ah Dadqalatooyinka oo isaga oo qarax dhigaya la qabtay

16th May 2025 admin
Culimada Puntland ayaa ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, kaas oo ay ciidamada Puntland ka wadaan buuraleyda gobolka Bari. Faahfaahinta warkan waxaa noo soo diray wariyaha VOA-da ee magaalada Boosaaso, Yuusuf Maxamuud Yuusuf.

16th May 2025 admin
Mushkilad guud oo koronto la’aan ah oo ka dhacday dalka Sri Lanka, ayaa lagu eedeeyay daanyeer galay xarun koronto oo ku taalla koonfurta magaalada Colombo ee dalkaas. Korontada ayaa si tartiib ah dib loogu soo celinayaa dalka jasiiradda ah oo ay ku nool yihiin dad tiradooda guudi gaarayso 22 milyan oo qof, iyadoo mudnaanta la […]