Category Archives: Uncategorized

14th May 2025  admin  

====Madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo maanta booqday xaafadda Soomaalidu dagto ee Islii, ayaa ballanqaadyo u sameeyay dadka Soomaaliyeed.

14th May 2025  admin  

Maxaa ka cusub shidaal sahminta Soomaaliya? Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in inta badan sahmintii shidaalka ee shirkadda Turkiga ay ka wadday Soomaaliya ay soo gabagabowday. Wasiirka Shidaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa VOA-da u sheegay in boqolkiiba toddobaatan la dhameeyay sahminta shidaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa dhanka kale wuxuu dhawaan heshiis dhinaca shidaalka iyo macdanta ah […]

14th May 2025  admin  

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, ayaa Baaqnamadeed u diray Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay maanta Degaanka Dureera, Degmada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag. Guddoomiyaha ayaa Booliska gobolada Sanaag iyo Haylaan ku adkeeyey inay degaanka colaadu ka jirto ciidanku la wareegaan, dhanka kale isimada dhaqanka Gobolka iyo guud ahaan […]

14th May 2025  admin  

Dooxada Dureera ee hoos tagta degaanka Damala xagare ee Degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa maanta dagaal wuxuu ku dhex maray labo beelood oo walaalo ah oo ka soo wada jeeda Beelwaynta Warsangeli. Dagaalkan ayaa sida la sheegay waxa ku dhintay 13 qof in badan oo kalena way ku dhaawacmeen. Beelaha uu ku dagaalamay degaankan […]

14th May 2025  admin  

Turkigu ma ogola nidaamka Fadaraalka ah ee ay ku dhisan tahay Dowladnimada Somaliya. RARE VOICE within Somali parliament today. Xildhibaan Koshin raised serious questions of Turkey's role in Somalia. pic.twitter.com/VRfKYKQHGw — Juxa Farah (@FarahJuxa) March 8, 2025

14th May 2025  admin  

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa caawa wakhti kula qaatay bulshada goobaha Kullan & Caways iyo Mashaa’allaah oo ka mid ah xarumaha bulshadu ku caweyso.