20th September 2024  admin  Category :

Caro ka dhalatay nin ku dul kaadshay wiil ka soo jeeda qoys la haybsooco


Maamulayaasha gobolka bartamaha Hindiya ee Madhya Pradesh ayaa burburiyey guriga nin loo xiray inuu ku dul kaadiyey nin kale oo xoogsato ah.

Pravesh Shukla ayaa lagu soo eedeeyey sharciga ka hortagga cadawtinimada oo ah sharci loogu tala galay in uu ilaaliyo qowmiyadaha la cabburiyo.

Waxaa la xiray ka dib markii fiidiyow muujinaya isagoo ninkale ku kaadinaya aad loogu wadaagay baraha bulshada.

Arrintaas ayaa dadka baraha bulshada ka daawaday waxay uga falceliyeen caro xoog leh. Mr Shukla kama uusan hadlin arrintaas.

Nilamber Mishra oo ah sarkaal sare oo dawladda ka tirsan ayaa wargayska Hindustan Times u sheegay in qiyaastii 400 oo cagood oo isku waraeg ah oo ah dhismaha guriga Mr Shukla oo uu “sharcidarro ku dhisay” la burburiyey Arbacadii.

Fiidiyow isna baraha bulshada lagu wadaagay ayaa lagu arkay cagafcagaf dhulka dhigaysa qayb gurigaas ka mid ah iyo saqaf khafiif ah.

Saraakiisha mucaaradka qaarkood ayaa sheegay in Mr Shukla uu ku xiran yahay xisbiga dalka Hindiya taladiisa haya ee BJP oo sidoo kale gacanta ku haya gobolka Madhya Pradesh. BJP ayaa iska fogeeyay eedda.

Booliska ayaa sidoo kale diiday in ay ka hadlaan eedda, waxayna sheegeen in “marka hore loo baahanyahay in kiiska la baaro”.

Balse waxa loo arkayo in uu yahay isku day lagu doonayo in lagu dhimo wax yeellada, ayuu wasiir goboledka Shivraj Singh Chouhan waxa uu gurigiisa ku casuumay dulmaneyaasha subaxnimadii khamiista ee manta, wuxuuna sameeyay raali gelin isaga oo lugihiisa dhaqay tan oo ka dhigan astaan muujinaysa sida uu uga xunyahay dhibaatada.

Horaan ayuu sidoo kale muujiyey sida uu uga xanaaqay dhacdada isagaoo oo maamulka ku amray in ay Shukla la beegsadaan sharciga carqaladeynta amniga qaran

Si kastaba ha ahaatee, dhaleeceeyayaashu waxay yiraahdeen tani waxay u muuqataa in ay la xiriirto doorashooyinka soo socda ee gobolka, maadama xisbiga BJP uusan kasoo kabsan Karin luminta bulsho idil.

Shirweynaha ayaa guddi u saaray dhacdada kaadida, waxaana la filayaa in madaxda xisbigu ay todobaadka soo socda la kulmaan Badhasaabka gobolka si ay uga hadlaan cabudhinta lagu hayo dadka iyo qabyaalada ee gobolka.

In kasta oo ay jiraan sharciyo loogu talagalay in lagu ilaaliyo qawmiyadaha, takoorka ka dhanka ah iyaga iyo dadka kale ee ka tirsan jifooyinka hoose ee Hindiya – oo loo maleynayo in ay tiradoodu ku dhowdahay 200 oo milyan ayaa weli ah xaqiiqo maalinle ah.

Waxay yihiin qaar ka mid ah muwaadiniinta dalka ugu dhibban badan sababtoo ah nidaamka takoorka Hindu-ga oo aan cafis lahayn oo ku xukumaya dad liita.

Waxaa muqaalka oo markii u horeeysay baahay talaadadii laga arkayaa Pravesh oo sigaar ku dul cabaya xilliga uu wajiga kaga kaadinayey ninka oo wadada geeskeeda fadhiya. Wararku waxay shgeegayaan in Pravesh uu cabsanaa xilligaas.

Pravesh, xilliga uu ku kaadinayey ninka
Qoraalka sawirka,Pravesh, xilliga uu ku kaadinayey ninka

Markii uu muuqaalku baahay dad badan ayaa codsaday in ninkan lasoo xiro.

“Dhacdadu waxay ceeb ku keentay gobolka Madhya Pradesh. “Waa in ciqaabta ugu adag la marsiiyo qofka eedaysanaha ah, waana in dhaqankan xun laga joojiyaa gobolka,” waxaa talaadadii sidaas kusoo qoray Twiteer-ka Kamal Nath, wasiir goboleedkii hore ee Madhya Pradesh.

Afhayeenka congress-ka Cabbaas Xafiid ayaa eeddaysane Pravesh Shukla ku eedeeyay in uu xiriir la leeyahay xildhibaanka xisbiga BJP ee Kedarnath Shukla. Cabbaas wuxuu sidoo kale baahiyey sawirro muujinaya labadooda ioo isla jooga.

Aabaha dhalay Shukla, Ramakant, ayaa ku eedeeyay in wiilkiisa ay bartilmaameedsanayaan mucaaradka sababtoo ah “isaga ayaa ah wakiilka sharci-dejinta BJP”.

“Waxaan rajeynayaa in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kiiska, cadaaladdana la helo,” warbaahinta maxalliga ah ayaa sidan ka soo xigtay isaga.

Xildhibaan Kedarnath Shukla, ayaa ku gacan seyray eedeymaha loo soo jeediyay, wuxuuna sheegay in uusan waxba kala socon cidda uu yahay eedaysanaha.

“Marka aan ka baxo deegaanka, waxaa jira dad badan oo ila socda, waxaan ka qaybqaataa barnaamijyo badan, ma aha xubin ka tirsan BJP,” ayuu yiri.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*