29th November 2020  admin  Category :

Cali Nuur Salaad “Waa Ka Baxay Ka Shaqeyntii Ololaha Madaxtinimada Kheyre

Agaasimihii warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Calinuur Salaad oo ka mid  ahaa ragii hoggaaminayey ololaha doorashada uu Kheyre ugu jiro xilka Madaxweynaha ayaa gebi ahaanba ka baxay kooxdaas olelaheeda.

Calinuur ayaa shaqada agaasinka waaxda warfaafinta iska casilay maalin kadib markii Baarlamaanku xilka ka qaaday Xasan Cali Kheyre, taas oo keentay in lala xiriiriyo olelaha uu Kheyre ugu jiro  Madaxtinimada Soomaaliya.

Calinuur oo ay Dalsan la xiriirtay ayaa xaqiijiyay inuusan ka shaqeyneynin olole doorasho, waxaana uu yiri  “Waxaan ka shaqeynayay xafiis dowladeed ee shaqsi uma shaqeyn”.

Dad badan oo loo tirinayey inay laf- dhabarka u yihiin Ololaha Ra’iisul Wasaare hore ee dalka  Kheyre ayaa shaqooyinkii ku laabtay .

Dadka xiligaan ka shaqeynaya olelaha Kheyre ayaa ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, iyaagona olalahooda hadda ka wada dalalka Bariga Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*