
24th February 2025 admin Category :
Isaga oo indhi xiran ayaa Soomaaliya laga afduubay, hadda ayuu dib u soo laabtay
Ujeedka safarka Cabdikariin Qalbidhagax ayaa lagu sheegay in uu goobjoog ka noqdo doorashada madaxweynaha oo la filayo inay dhacdo 15-ka bishaan May.
Waa markii ugu horeysay ee uu Qalbidhagax yimaado magaalada Muqdisho tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay u gacan galisay Xukuumadda Adis-ababa.
Sida ay sheegayaan dadka u dhuundaloola arrimaha siyaasada imaanshaha Qalbidhagax ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay guul u tahay musharaxiinta mucaaradka iyadoo dhabar jab ay ku noqonayso musharaxiinta Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dhiibistiisa.

Waxaa sharaf ii ah in aan Xafiiskeyga iyo xarunta XFS ku soo dhaweeyo halgamaa Cabdikariin Sheikh Muuse Qalbi Dhagax.
— Mohamed Hussein Roble (@MohamedHRoble) May 12, 2022
Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed ayaan mar kale ka xaal mariyay gabood falkii ka dhanka ahaa Soomaalinimada ee loogu gacan galiyay dal shisheeye. pic.twitter.com/6Zoiagoin8