7th September 2024  admin  Category :

Cabdi Xaashi Oo Dacwad Ka Dhan Ah Farmaajo Iyo RW Rooble U Gudbiyay Beesha Caalamka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Dacwad ka dhan ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble u gudbiyay Beesha Caalamka.

Guddoomiye Xaashi ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ku eedeeyay inay ku tunteen shaciga u yaalla dalka, isla markaana ay nidaam sharci darro ah ku magacaabeen guddiyada Doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka kooban laba Bog ayuu u kala diray Beesha Caalamka iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee James Swan, wuxuuna ka dalbaday inay soo fara-geliyaan arrimaha Doorashada dalka ka dhacaya  2020/2021.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa horey uga soo horjeestay Guddiyada Doorashada heer Federaal iyo kuwa Doorashooyinka Xildhibaanada ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Qoraal dhawaan soo saaray ayuu ku sheegay inuu ku doonayo inuu kusoo magacaabo Guddiyada Doorashada ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Somaliland, hayeeshee RW Rooble uu magacaabay.

Hoosn ka Akhriso Qoraalka Dacwada ee uu gudbiyay Cabdi Xaashi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*