16th September 2024  admin  Category :

Caasimadda Haiti, ‘60%’ waxaa la wareegay kooxo hubaysan, xilli uu dalkaas ka dilaacay cudurka ‘daacuunku’

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xanuunka daacuunku uu ka dilaacay dalka Haiti isaga oo si weyn ugu faafaya dalkaas. Maalinimadii Khamiistii ayaa wararku sheegayaan inay u dhinteen illaa 283 qof, halka cusbitaalada la dhigay in ka badan 12,000 oo qof oo xanuunkani soo ritay.

Qaramada Midoobay ayaa hore u codsatay in lala soo gaadho lacag gaadhaysa illaa $145 milyan oo dollar oo ay wax kaga qabato xanuunkan, hase ahaatee waxaa soo gaadhay oo keliya 16%, lacagta ay codsatay.

Ulrika Richardson oo ah isuduwaha bini’aadantinimada Qaramada Midoobay u qaabilsan Haiti ayaa sheegay in xaaladu ay ka sii darayso, isla markaana ay sii kordhayaan dadka uu xanuunkani ku dhacayo.

“Amni darrada ayaa sii socota, iyada oo laga helayo warbixino naxdin leh oo ku saabsan xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayuu yidhi Richardson. Tusaale ahaan, caasimadda dalkaas ee Port-au-Prince ayaa wararku sheegayaan in 60% ay la wareegeen kooxo hubaysani sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay haystaan caqabado dhinaca saadka iyo amniga la xidhiidha, hase ahaatee ay isku dayayaan inay dadka caawiyaan, sida uu sheegay Richardson isuduwaha hawlaha bini’aadantinimo ee Qaramada Midoobay.

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa leh “cudurka daacuunku weli waa khatar caalami ah oo ku wajahan caafimaadka bulshada, waana calaamad muujinaysa sinnaan la’aanta iyo horumar la’aanta bulshada.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*