Buundada Hong Kong-Zhuhai: oo ay sawirradeeda idiin muuqdaan waa buundada ugu weyn oo badda dusheeda marta oo dunida laga dhiso.
Buundadan dhererkeedu yahay 55 km oo qayba ka mid ah badda hoosteeda la mariyeye waxay isku xireysaa Hongkong-Shiinaha ilaa Macaue, Furitaanka buundadana xilligi lagu waday waxay kaddib dhacday muddo labo sano ah.
Qoraalka sawirka,Buundadan dhererkeedu yahay 55 km (34 mile) oo isku xireysaa Hong Kong-Zhuai-Macau waxaa ka muuqda farsamadii ugu dambeeysay ee Injinneerrada Shiinaha.Qoraalka sawirka,Buundada oo billow ilaa dhammaad laba haad leh waxay 20 jibbaar ka dheer tahay buundada San Francisco’s Golden Gate.Qoraalka sawirka,Buundada waxaa loo naqshadeeyey qaab ay isaga caabbin karto dhulgariirka iyo duufaanta inta badan badaha Shiinaha ku dhufta.Qoraalka sawirka,Maraakiibta socodkooda si ay buundadu u hakinin waxaa loo sameeyey 2 jasiiradood oo dad samee ah iyada oo ay buundadu 6.7km oo ka mid ah ay badda hoosteeda mareyso.Qoraalka sawirka,Buundada oo sii mareysa meel ku dhow marinka diyaaradaha Hongong waxay Injineerradu si aad ah uga taxaddareen joogga Buundada ineysan aad u dheerayn si aysan duullimaadka diyaaradaha u hakin.Qoraalka sawirka,Dhismaha Buundadan oo la billaabay 2009-ka dhismaheedu waxaa ku kacay miisaaniyad ka badan $20 bilyan oo doolar.Qoraalka sawirka,Furitaanka rasmiga ee Buundada oo lagu waday 2016-ka marar badanna dib u dhac uu ku yimid, bishan in la furo ayuu qorshuhu ahaa balse weli waxaan ka ahayn sannadkan in la furayo lama sheegin xilliga rasmiga ah.Qoraalka sawirka,Miisaniyadda faraha badan ee dhismaha Buundada ku baxday waxaa u dheer waa buundadi shaqaalihi ugu badnaa ay ku dhintaan inta uu dhismaheedu socday.Qoraalka sawirka,Buundadu waxay xiriirinaysaa saddex qaybood oo kala go’naa oo kala aha Macau, Hong Kong iyo dhulwaynaha Shiinaha.Qoraalka sawirka,Basaska iyo gawaarida kale ee ganacsiga oo rakaab sida ayaa buundada adeegsan doona, Balse takaasida caadiga ah iyo gawaarida gaarka loo leeyahay kuwa kooban oo fasax u haysta mooyee buunddaa ma isticmaali karaan.Qoraalka sawirka,Safarka buundada ee lagu marayo Hong Kong iyo Mainland inta u dhaxeysa waxaa qofka laga rabaa inuu sii maro laba xafiis oo kuwa socdaalka ah oo buundada dusheda xafiisyo ku leh inuu sii maro.Qoraalka sawirka,Maxaa buundadan loo dhisay? Waxaa loo dhisay in safarka qaadan jiray ugu yaraan afar saacadood loo soo gaabiyo ugu badnaan 30 daqiiqo.Qoraalka sawirka,Qaar ka mid ah shacabka Hong Kong ayaa waxay sheegayaan inaan buundadan oo baahnayn balse ujeeddada Shiinaha uu u dhisay ay tahay inuu xiriiriyo Hong Kong iyo Mainland.