28th February 2025  admin  Category :

Boqorka muslimka ah ee ka codsanaya dadkiisa in aanay xoolo qalin ciidda

Boqor Maxamed 6-aad ee dalka Morocco ayaa ka codsaday dadkiisa in ay ka qalashada ariga ee Ciidda Carafo ee sanadkan, sababo la xiriira hoos u dhaca weyn oo ku yimid xoolaha dalkaasi.

yaraanta ayaa loo aaneynayaa todoba sano oo abaar ah oo ka jirtay dalkaas.

Ciidul-Adxa oo ku beegan bisha June, ayaa ah maalin ay dabaal dagaan dadka Muslimiinta ah, waxaana la qalaa xoolo loo yaqaano udxiyo taas oo sida Islaamku qabo mid lagu xusayo gawracii uu ka badbaaday wiilki nabi Ibrahim Ibraahim, ee la waydiiyay in uu gawraco.

Dadka muslimiinta ah ayaa munaasabaddan ku xusa in ay qalaan neef ari ama ido ah ama xoolo kale, waxaana hilibka la qeybsadaa qoyska masaakiinta ah oo loogu deeqo qaab sadaqo ahaan ah.

Laakiin xoolaha Marooko ayaa 38% hoos u dhacay tobankii sano ee la soo dhaafay, sababo la xiriira daaqa oo yaraaday, sida lagu sheegay xogta rasmiga ah e ay soo saartay dowladdu.

Qiimaha hilibka ayaa cirka isku sii shareeraya, waxaana ilaa 100,000 oo ido ah looga soo dhoofiyaa dalka Australia.

Gawraca in la sameeyo ciidaan “iyada oo lagu dhex jiro daruufahan adag waxay dhibaato weyn u geysan doontaa qaybo badan oo dadkeena ah, gaar ahaan kuwa dakhligoodu yar yahay,” ayuu Boqor Maxamed ka 6 – aad ku yiri khudbad uu wasiirka arrimaha diinta ee dalkaasi ka akhriyay telefishanka qaranka ee Morocco maanta oo Arbaco ah.

Aabihii, Xasan II, ayaa codsi la mid ah midkaan waxa uu dadkiisa u soo jeediyay 1966 kii, markii Morocco ay sidoo kale la kulantay abaar dheer oo saamayn ku yeelatay xoolaha.

Isaga oo dhibaatada jirta ku sharraxayay wareysi uu dhowaan bixiyay, ayaa wasiirka beeraha ee Morocco, Ahmed Bouari, waxa uu yiri “baahida loo qabo in biya loo ilaaliyo qaybaha mudnaanta leh, sida wadista iyo warshadaha” waxay la macno tahay in beeruhu ay ku jiran xaaladii ugu xumayd, “iyada oo inta badan goobaha waraabka ay hoos yimaadaan xeerar adag iyo nidaamka qaybinta biyaha”.

Canshuurta soo dejinta iyo tan gadista ee loo yaqaano VAT ee lo’da, idaha, geela iyo hilibka cas ayaa dhawaan la qaaday si ay gacan uga geysato xasilinta qiimaha xoolaha Morocco.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*