10th January 2025 admin Category :
Wasiiraddii Daarood oo xilal aan jiray loo magcaabay oo Xildhibaanada beelahooda ka baryaya in la ansixiyo.
Soomaaliya oo aan Post lahayn marka loo magcaabo wasiirka wasaaradaas, oo xitaa xilligii kacaanka degaanada uu ka soo jeeda ayna Post lahayn waxa qura oo la gudboonaa waxay ahayd in magcaabistaas lagugu lugoonayo aas marmarsiinyo aad ku diidan tahay ka keentid, adiga oo dhowraya sharafta iyo karaamada beeshaada.
Siyaasiyiinta Soomaalida, waa ka duwan yihiin caalamka intiisa kale oo iyagu ma fiiriyaan wasaaradda loo magcaabay inay jirto iyo in kale ee waxay rabaan oo qura in mar wasiir la yiraahdo.
Xildhibaanada Federaalka ee Beesha Daarood kana soo gala, Puntland, Jubaland, Koonfurgalbeed ayaa caawa la kulmay wasiiradda magacaaban ee Beesha Daarood.
Wasiirada Daarood ee loo magcaabay wasaarado aan jirin ayaa ka codsanaya Xildhibanadooda inay anxixiyaan wasaaradahan ay beelahodu diidan yihiin.
Golaha wasiirada magcaaban ee beesha Hawiye iyagu culayskani ma haysto, sababtoo ah beeshooda Hawiye waa ku faraxsan yihiin, raalina waa ka yihiin wasaaradada M. Xasan Culusooow uu beeshiisa u magcaabay
1-Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Murusade/Sabti
2- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Habargidir/Sacad
2- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada Waxa uu kasoo jeedaa Beesha Hawiye Reer Aw-Xasan.
3 Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Baadicadde.
4- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Baadicadde.
5- Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Hawiye/Xawaadle.