8th September 2024  admin  Category :

Xilli gabal dhac ah, Bishii shanaad ee sanadkii 1984, ayaan gaari raashin u wada Koonfurta Soomaaliya waxaan  ka soo raacnay magaalada Ceelaayo ee gobolka Sanaag. Gaarigaas ayaa u rarnaa  Maxamed Xaaji Geele oo maanta ka mid ah  xildhibanada  baarlamaanka Soomaaliya iyo Askar Xaaji Axmed. Gaarigii aan la soconay markii uu ka soo dhaqaaqay magaalada Ceelaayo, ayaa rikaabkii gaariga saarnaa  waxay is waydiiyeen halka ay caawa  ka cashayn doonaan  . labada magaalo ee Boosaaso iyo karin . Rikaabkii gaariga saarnaa waxa isku raaceen in Boosaaso dusha laga maro oo loo casho tago magaalada karin ee gobolka Bari. Waqtigaas magaalada Boosaaso jid  laami ah ma lahayn ,   deked weyna haba sheegin, Arintaasi waxay kuu cadaynaysaa in Boosaaso loo xiisayn jirin sida maanta loo wada xiiseeyo

Muddo yar ka dib dawladdii SIyaad bare ay labo mashruuc oo horumarineed siisay gobolka Bari kuwaas oo kala haa Deked Iyo  jid laami ah. Mashaariicdan ayaa waxa gacanta ku dhigay oo lo dhiibay aqoonyahano reer Bari ah oo ka duwan kuwa maanta jooga oo qaylo weynayaasha ah oo dhaqankii Xasan Xaad qaatay iyo  inay ka qayliyaan warbaahinta.

Aqoonyahanaad waxa ka mid ahaa Xildhibaanka Soomaaliyeed oo maanta ku caan baxay Odaynimada Bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda Dr.  C/risaaq Xasan Juurile, oo ka soo jeeda Beesha Dishiishe, Juurile isaga oo aqoontiisa iyo danta guud fiirinaya jidkii Laamiga ahaa uma weecin magaalada Beeshiisu degto ee Karin  ee wuxuu sameeyey sidii danta guud ahayd, Jid cadihii Boosaaso ka bixi jiray xilligaas  magaalooyinkii uu mari jiray oo dhan , dhamaan maanta Laamiga wuu  maraa aan ka ahayn magaalada Karin. 

Maanta balaarinta dekedda Boosaaso waa dan guud, magaaladana waxay u yeeli doontaa weji ka duwan kan ay maanta  leedahay, sidaas awgeed inta la  qaylinayo oo la hor taagan yahay warbaahinta , oo islaan Muqdisho  Mooshin ka  keentay la buun buuninayo waxa ka fiican in bulshada reer Bari iyo madaxda Puntland is hor fariistaan oo laga wada hadlo waxa lakala  tabanayo.“sideey xeego xeego u noqotaa ilkona u nabad galaan

Ugu danbayntii Bulshada Gobolka Sanaag, dekedda Boosaao waa deked ay iyagu leeyihiin, haddii la horumariyano waa faaiido u soo korortay oo ay ka faaiidaysan doonaan oo aan laga lahayn . Arinta ah DP world looma soo dhowaan karo,  maaha mid  maanta u baahan in laga qayliyo oo loo arko masiibo soo socota ama dhul loo diidan yahay horumarka . Dhibaatada gobolka Sanaag maanta  ka jirta ee u baahan in laga hadlaa maanta  waa Argaixisada dadqalatooyinka ah iyo Ismaaciil xaaji nuur iyo SNM

Allsanaag.com

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*