27th March 2024  admin  Category :

Degaanka Milxo ee dhaca Buurha barakaysan ee Calmdow inta u dhaxaysa magaalooyinka qadiimka ah ee Laasqorey iyo Ceelaayo, ayaa waxa ka socota Billiqadii ugu weynayd ee abid Soomaaliya ka dhacda, oo ayna haba yaraatee ayna jirin cid ka hadlaysaa haddii ay ahaan lahayd dadkii degaanka u dhashay , maamulka iyo Dawladda federaalka.

Bililiqada ka socota buuraha Calmadow ayaa ah in khayraadkii dabiicga ah ee ay gaarka u lahayd in la gurnayo intii kalena la cirib tirayo ama la nabaad guurinayo, oo hadda in badn oo ka mid ah la qaawiyey markii Dhirtii la jaray ama sun lagu daadiyey

Duulaankii dhowr iyo tobon sano ka hor magaca diinta Buuraha Calmadow loogu soo qaaday laguna qabsaday, ayaa maanta waxay sababtay in caalamka oo dhan looga yimaado si Kayraadkeda loo boobo sida Dahabkii buurta ku jiray iyo Dhirtii Xijiga ahayd ee ka bad baday FARAACIINTA UU FIRCOON HOGAAMIN JIRAY

Nasiib darada ugu weyn ee maanta ka jirta Buurha Calmadow oo hadda iyo ka dib aan indhaha laga sii qabsan karin oo u sii dheer buurta in la boobayo Kayraadkeeda dabiiciga ahaa iyo in lagu hayo nabaad guur, ayaa ah in dadkii degaanka u dhashay qaarna la Barakiciyey intii kalena ay adoon u yiiin shaqsiyaad Soomaaliyeed oo buurta keenay ajaaniib Khibrad u leh dahabka oo ay lacag yar ugu shaqaynayaan.

Qaar ka mid ah dadkii degaanka u dhashay oo u shaqaynayey Ajaaniibtan ay soo kiraysteen Soomaali aan haybtooda la aqoon ayaa dhowaan waxay ku dhinteen godod lagu khasbay inay galaan, qaar kale saacadaha Badan oo ay ku shaqaynayaan Qoraxda hoosteeda ayeey kul ugu dhinteen sababtaas.

Ugu danbayntii waa denbi aynu ka galnay jiilka soo socda in Buurtii aynu awoowayaasheen ka dhaxalnay oo jiilba jiil u sii gudbinayey in maanta inaga oo daawanayna oo awood u leh inaynu difacno Quruxdeeda iyo khayraadkeeda in la dhaxal wareejiyo.

Buurta Cal madow ha loo hiiliyo oo reerhii deganaan jiray haddaan midnimo jirin, reer walba Aroorkooda ha difaacdeen

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*