7th September 2024  admin  Category :

Biden iyo RW Sweden oo ka wada hadlay ‘xubinimada Sweden ee NATO’

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ku qaabilay ra’iisal wasaaraha Sweden Ulf Kristersson, xilli Maraykanku uu ka shaqaynayo sidii uu Turkiga ugu qancin lahaa inay meel mariyaan xubinimada Sweden ee NATO, ka hor kulanka ay gaashaanbuurta NATO ku yeelanayaan dalka Lithuania, toddobaadka soo socda.

Biden ayaa sheegay in Sweden ay awood ku soo kordhin doonto Isbahaysiga NATO, sidaas awgeedna ay muhiim tahay in la meel mariyo xubinimadeeda.

Turkiga ayaa weli ka cago-jiidaya inuu ansixiyo xubinimada Sweden, isaga oo hordhigay shuruudo kala duwan, ka hor inta aanay ansixinin.

Ankara ayaa ku eedaynaysa Sweden inay gabaad siiso kooxaha mayalka adag ee Kurdiyiinta, kuwaas oo ay Turkey u aqoonsan tahay inay yihiin argagixiso. Turkiga ayaa ka dalbaday Sweden inay dib u habayn samayso, gaar ahaan, xeerkooda la dagaalanka argagixisada.

Illaa haatan ma kala cadda, in la ansixin doono xubinimada Sweden, shirka dhacaya toddobaadka soo socda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*