19th October 2024  admin  Category :

Wararka ka imanaya gobolka Sanaag, gaar ahaan magaalada Ceelbuh ayaa sheegaya in mudaaharaad lagaga soo horjeedo beesha Isaaq uu ka socdo halkaas.

Sidoo kalle, wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidan hor leh ay keeneen beesha Isaaq aaga Yubbe kuwaas oo laga keenay Hargeeysa iyo Gabiley.

Hadaba, dadka deegaanka ayaa loogu baaqayaa ineey u diyaar garoobaan sidii ay isaga cellin lahaayeen dagaalka gardarada ah oo ay soo qaadeen beesha isaaq.

Diinta Islaamka ayaa na fareeysa in qofka uu difaacdo naftiisa iyo maalkiisa taas oo ah mid waajib ah, waxaana dhab ah in cadawga soo duulay uu ku jabi doono dagaalka ay soo qaadeen haddii illaahay uu yiraahdo. Soomaalidana waxeey tiraahdaa, “Qofkii soo joog laga waayo, soo jiifso ayaa laga hellaa.”

Wixii war ah ee soo kordhana waan idinla wadaagi doonaa insha alllaah.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*