28th March 2024  admin  Category :

Beesha Cawrmale ayaa ah beel ka mid ah beel weeynta Warsangeli, deegaan ahaana degan gobolada Jubooyinka. Beesha Cawrmale ma ahan beel la gellin karo jiritaankooda mugdi, mana ahan beel maanta ka soo dhacday cirka oo ciddii doonto ay sheegan karto.

Dadka Soomaaliyeedna waa dad is wada yaqaan, mana jiro cid aan la aqoon dhalashadeeda iyo haybtooda toona. Waxaase ayaan darro ah, in beesha Cawrmale lagu sheego ineey yihiin beel Hawiye. Haddii beesha Cawrmale ay noqdaan Hawiye, Daaroodka oo dhana waxeey markaa wada noqonayaa dhammaantood beelo ka mid ah beesha Hawiye.

Hadaba, beesha Cawrmale waxeey u kalla baxaan:

Ismaaciil

Garlabe

Waladaye

Saleebaan

Ciise

Careente.

Hadal iyo dhammaantiis, beesha Cawrmale waa beel ka mid ah beel weeynta Warsangeli cidii dood ka qabtana, hala xiriirto Saldanada Warsangeli si looga qanciyo shuushka ay dareemayaan, mugdigana looga saaro.

Muuqaalka hoose waxaad ku arki kartaan beesha Waladaye oo ka midka ah beesha Cawrmale oo nabadoon calleemo saareeysa. Suldaan iyo Nabadoon waa mid ay beesha Warsangeli ay leedahay, taas oo beesha cawrmalana ay maanta ku dhaqanto, meesha beesha Hawiyena ay ka leeyihiin malaaq iyo wabar.

Meeshan miyaad ku aragtaan malaaq iyo wabar la calleemo saarayo, mise waxaad ku aragtaa nabadoon la calleemo saarayo? Dadkan meesha nabadoonka lagu dooranayo fadhiyaa dhammaantood waa dad haddii aan laguu sheegin aad is oranyeeso waa dad jooga Dhahar iyo Badhan. Dadka meesha fadhiyaa meelna uguma eka beesha Hawiye.

One thought on “Beesha Cawrmale ayaa ah beel ka mid ah beel weeynta Warsangeli,

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*