24th October 2024  admin  Category :

Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigaya Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland, iyagoo kasoo horjeeda burburinta Dowlada Federaalka ah ay ku hayso nidaamka Dowladnimo ee Jubbaland iyo xayiraada ay kusoo rogtay dadka shacabka ah.

Dadweynaha dibad baxa dhigayay ayaa socod dheer ku soo maray wadada halbowlaha u ah magaalada Kismaayo, iyagoona ku dhawaaqayay erayo ay uga soo hor-jeedaan cunaqabataynta ay DFS ku soo rogtay deegaanada Jubbaland.

1Sidoo kale, Dadka banaan-baxa dhigaya ayaa watay hal ku dhigyo ka turjumaya dareenkooda sida “Go’doomin Gobol guul miyaa”
“Diyaarad joojin Dowladnimo miyaa” iyo “Federaalka faham buu kaa rabaa”.

https://youtu.be/p5152WCs-4c

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*