
20th May 2026 admin Category :
WQ; Cali Mahdi Maxamed Qalato, oo ah Xildhibaan laga soo doorto gobolka Sanaag
Badhan waa Puntland, waana deegaan si muuqata uga socdo u horumar lataaban karo. Siyaasiinta maanta qaylinaya ma matalaan danta shacabka, balse waxay wataan ajende laga soo abaabulay meelo kale, oo aan wax xiriir ah la lahayn xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Badhan.
Taariikhdu way ina bartay in marar badan la isku dayay in la carqaladeeyo xasiloonida iyo horumarka Puntland, sida dhacdooyinkii hore ee la midka ahaa “calmiskaad”. Laakiin mar kasta shacabka iyo dowladooda ayaa ka adkaaday qorshayaashaas kuna guuleystay ilaalinta midnimadooda iyo wadajirkooda.
Maanta sidoo kale, shacabka Badhan iyo guud ahaan Puntland waxay u taagan yihiin difaac iyo ka qayb qaadashada abaabulka lagu sifaynayo howlgalka qorshaynsan ee Calmadow.







