21st September 2024  admin  Category :

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey wax ka baddalka dastuurka

Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey waxkabaddalka afartii cutub ee dastuurka Soomaaliya marka laga reebo dhowr qodob.

Afarta cutub ayaa mid mid loogu codeeyay kadibna labada gole waxay u codeeyeen guud ahaan waxkabaddalka dastuurka taas oo iyadana la ansixiyey.

Saddex qodob oo ay sheegeen guddigii ku hawlanaa waxkabaddalka dastuurka in ay quseeyaan diinta islaamka isla markaana ay talo soo jeedin uga timid culumada ayaa dib loo dhigay.

Guddiga ayaa sheegay in ay saddexda qodob ee kala ah 13-aad farqadiisa 1-aad, 16-aad iyo 28-aad farqadiisa labaad ay u dirayaan cilmibaaris haddii loo oggolaado taas oo loo codeeyay sidaasna dib loogu dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*