23rd December 2024  admin  Category :

B52 Xildhibaan,ayaa Ansixiyey,waxaa diiday 1-Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar jecel,waxaa ka aasmusay Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan wadajir ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansaxiyay heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka dalka, kaas oo ay Muqdisho ku gaareen Madaxweynaha JFS,madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Heshiiska ayaa waxaa oggolaatay 252 xildhibaan,waxaa diiday 2,halka uu ka aamusay 1 xildhibaan sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xildhibaannada uga mahadceliyay ansaxinta sharcigaan oo uu sheegay inuu muhiim uyahay doorasho ka dhacdo dalka.

Kulanka ayaa waxaa wadajir u shir guddoominayay guddoomiyeyaasha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Aqalka sare Mudane, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeennadooda.

Qorshaha doorashada baarlamaanka Soomaaliya ayaa billaabaneysa 01-November 2020 sida ku cad qodob kamid ah heshiiskaan ay maanta ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*