21st September 2024  admin  Category :

Maanta Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ayaa ansixiyey wax ka beddel lagu sameeyay dastuurkii kumeel gaarka ahaa. Waxaa la sheegay in ay soo xaadireen labbo boqol iyo xooggaa, balse ma’ahan wax la hubo in tiradaas ay soo xaadireen.

Si kastaba ha ahaatee, xubnaha baarlamaanka ee Soomaaliya ma’ahan kuwo matali kara shacabka Soomaaliyeed. Sidaas darteedna, ma go’aamin karaan wax ka beddelka dastuurka. Marka aan leenahay cidina ma matallaan, waa sida foosha xun ay ku yimaadeen booska.

Inta badan xubnaha baarlamaanka waa kuwo lacag bixiyey, kuwo odayaal ay isku beel yihiin ayaa hiil ku keenay, qaar laab laab ayeey ku fadhiyaan kuraasta, marka xubno baarlamaan oo sidaa ku yimid miyeey Soomaali u go’aamin karaan dastuurka lagu dhaqayo dalka?

Waxaase ayaan darro ah, in rag waaweeyn inta ay muuqaalo ka soo dhex muuqdaan ay dhahaan xubnaha baarlamaanka ayaa dalka oo dhan matala, sidaa darteed waxa ay go’aamiyaan ayaa ay tahay in la qaato.

Hadaba, marka Soomaali ay hesho baarlamaan ay shacabka soo doorteen iyo dastuur shacabka ay qayb ka yihiin, ayaa sharci noqon doona, mana dhici doonto dastuur koox yar oo ay dawladdo shisheeye fakirkooda fulinaya in lagu dhaqo dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*