7th September 2024  admin  Category :

Axmed Madoobe oo caawa maamul cusub u magacaabay gobolka Gedo (Akhriso Magacyada

Wareegto uu caawa soo saaray madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayuu maamul cusub ugu soo magacaabay Gobolka Gedo oo maamulkiisu bannaanka ka joog.

Axmed Madoobe ayaa guddoomiyaha gobolka Gedo u magacaabay Cabdullaahi Cabdi Jaamac, halka  Cusmaan Nuux Xaaji (Macalimuu) u magacaabay guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda, waxaa sidoo kale guddoomiye kuxigeenka maaliyadda gobolka Gedo loo magacaabay Nasteex Axmed Saalax

Gobolka Gedo ayaa horay u lahaa maamul ka madax bannaan Jubbaland, waxaana maamulkaasi magacaabay si weyna gacanta ugu hayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo siyaasad ahaan iska soo horjeedeen Madaxweynaha Jubbaland.

Maamulkan cusub  uu magacaabay Axmed Madoobe ayaan la ogeyn sida ay uga shaqeyn karaan Gobolka Gedo, maadaama siyaasiyiinta gobolka ay si weyn u diidan yihiin Axmed Madoobe iyo maamulkiisa loona diiday marar badan in dad taageersan Jubbaland u tagaan gobolka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*