22nd December 2024 admin Category :
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali xaashi oo Qudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay maanta kalfadhigii 3 aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu halkaasi xaalada siyaasadeed ee Gobolada Sool iyo Sanaag.
” Puntland waa meel kamid ah Soomaaliya waxayna soo dhawaynaysaa wado kasta oo loomarayso midnimada iyo dib uheshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, hasa yeeshee Puntland waxa ay leedahay Dastuur dhamaystiran oo kucad gobolada ay Puntland ka koo bantahay iyo xuduudaheeda sida uuqabo qodobka 7 aad ee Dastuurka Puntland ,sidaasi awgeed waxaan soo jeedinaynaa in aysan dhicin wax wadahadal ah oo ay Puntland ka maqatahay oo quseeyaya gobolada Puntland ee Sool iyo sanaag”.
“Waxaan ucadeenaynaa dowladda fadaraalka Soomaaliya Beesha caalamka iyo cidkasta oo danaysa xasiloonida Soomaaliya in gobolada Sool iyo Sanaag ay ka tirsan yihiin Dowladda Puntland ee soomaaliya qaybna ay kayihiin dowladda Fadaraalka Soomaaliya Wakiilada laga soo doorto goboladaasina ay fadhiyaan labada Aqal ee Soomaaliya waxaan cambaareenaynaa sheegashada iyo xadgudubka aan caqliga ku dhisnayn ee ay wadaan kuwa lidiga ku ah Qaranimada iyo Midnimada umada Soomaaliyeed” ayuu yiri markale.
Gudoomiyaha ayaa ugu dambayntii waxa Baarlamaanka soomalaiya ugu baaqay in ay yareeyaan amaba ay joojiyaan Mooshinada laga keen Xukuumada.