28th May 2025  admin  Category :

Australia: Maxaan ka ognahay weerarka ka dhacay suuqa laga dukaameysto ee xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay?

Hal qof ayaa loo qaaday Isbitaalka Royal Melbourne, magaalada Melbourne ee dalka Australia, kaas oo dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerar loo adeegsaday mindi oo u dhaxeeyey dhalinyaro ilaa 10 gaaraya da’dooduna u dhaxeysa 15-20 ji.

Weerarkan ayaa dhacay abbaarrihii saddexda galabnimo xilliga Melbourne, wuxuuna ka dhex dhacay suuqa Northland Shopping Centre oo ah suuq weyn oo laga dukaameysto oo ku yaalla xaafadaha waqooyi oo ah halka ay deggan yihiin Soomaali badan.

Ganacsatada iyo waardiyeyaasha xarunta ayaa oboliska ku wargeliyey in weerar uu socdo kadibna waxaa soo gaaray booliis fara badan iyo waaxda caafimaadka.

Muuqaallo lagu duubay telefoonnada gacanta oo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinayay iney dadku jahwareereern iyagoo hadba dukaamo ku ordaya, iyadoo dukaanleydana qaarkood ayba ka carareen dukaamadooda halka kuwo kalena ay hoosta ka xirteen.

Qaar ayaa dibadda usoo baxay ayagoo ay murugo ka muuqato maaddaama aysan ogeyn halka ay wax ka socdaan, iyagoo dadkii dibadda joogay u sheegay iney arkayeen dhalinyaro mindiyo isku ceyrsanaysa oo hadba dhinac u ordaya.

Weriye Ibraahim Cumar Baafo oo ah weriye madax bannaan oo ku sugan Melbourne ayaa BBC u sheegay inuu dibadda suuqa kula kulmay gabdho Soomaali ah oo u sheegay inay halkaasi u joogaan si ay uga war doonaan gabdho kale oo ay qaraabo yihiin oo suuqa ka dukaameysanayay.

Booliiska markii ay soo gaaren goobta waxay markiiba xireen albaabbada laga galo iyo kuwa laga baxo dhammaantooda, gawaarida gaashaaman ee booliska ayaana hareereeyey xarunta halka dusha sarena ay dul haadayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca kadibna gudahana ay u galeen iyagoo hubeysan, sida uu Ibraahim sheegay.

Dad gudaha ku jiray oo arkayey dhalinyarda dagaallamaysa ayaa sheegay iney indhahooda saareen iyagoo midiyo isla dhacaya, waxayna u muuqdeen bay yiraahdeen kuwo kooxo ah oo iska soo horjeeda.

Booliiska oo shir jaraa’id qabtay ayaa haweenay u hadashay oo lagu mgacaabo Kelly Laws waxay sheegtay in ay qabteen labo qof halka siddeed kalena ay ku raad joogaan, kuwaasoo hal dhaawac ah uu ku jiray, waxayna intaa raacisay in falkan u ekaa mid aargoosi ah oo dhalinyaro is raadsanaysa ay ahaayeen.

Mar booliiska wax laga weydiiyeye da’da dhalinyarada ayey ku sheegeen in labada ay hayaan uu midkood yahay 15 jir.

Inakstoo aan weli boolisku sheegin haybtooda, laakiin sawirrada la baahiyey ayaa muujinaya iney madow yihiin midkoodna uu watay mindi. Booliisku waxay xaqiijiyeen inaan la isku adeegsan wax rasaas ah, balse qaarkood dhalinta weerarkan isku haysay ay ku hubeysnaayeen toorrey.

Australia
Qoraalka sawirka,Kelly Laws

Falka noocaan oo kale ayaa waxa uu ka dhacay hadda kahor suuq weyn oo laga dukaameysto oo ku yaalla magaalada Sydney, iyadoo nin mindi ku hubeysan uu dad ku dhaawacay halkaas, laakiin xarunta laga dukaameysto ee Melbourne weli fal sidan oo kale ah horey ugama dhicin inta la ogyahay.

Northland Shopping Centre waa xarun aad u weyn oo laga dukaameysto, iyadoo xilliga weerarkan ka dhacayeyna ay aad u buuxeen dadweyne farabadan oo Soomaali badan ay ku jirtay, waana maalin Axad ah oo ay dadku usoo cunto doontaan ama usoo dukaameytaan.

Laakiin booliiska ayaa dadka dibadda usoo saaray isla markaana xarunta albaabbada ayaa la isugu dhuftay lamana hubo in berri la furi doono iyo in kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*