
23rd February 2025 admin Category :
AUN Prof, Maxamed Daahir oo ku geeriyooday London
Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Daahir Afrax ayaa caawa ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Marxuumka ayaa intii uusan geeriyoon waxa uu ahaa guddoomiyihii guddiga madaxa-banaan ee dastuurka., sidoo kale waxuu ahaa guddoomiyihii akadeemiya goboleedka afka Soomaaliga.
Prof. Maxamed Daahir Afrax sidoo kale wuxuu ahaa qoraaga buuggii caanka ahaa ee Maana-faay. Waxuuna xubin ka ahaa Naadiga Qalin Maalka ee (Pen).