19th September 2024  admin  Category :

Toddobo askari oo u dhalatay dalka Congo ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu eedeeyay in ay fulaynimo u muujiyeen cadawga, islamarkaana ay argagax isku abuureen markii ay ka carareen fallaagada M23.

Askarta ayaa dafiray eedeymaha loo haysto, waxaana qareenadooda ay sheegeen inay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka maxkamadda, sida ay sheegeen maamulka gobolka Waqooyiga Kivu.

Labo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, afar kalena dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray intii uu socday shilkan uu sababay falka cararka ee askarta, xeer ilaalinta ayaa ku tilmaamay in ay ahaayeen ‘fuleyaal’.

Kumanaan qof ayaa dhawaan ka qaxay guryahoodii Goma iyo Minova iyadoo fallaagada M23 ay si tartiib tartiib ah ugu soo wajahan yihiin magaalada Masisi ee galbeedka.

Bishii Nofembar, maxkamad milatari oo ku taal Goma ayaa saddex askari ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay inay ka carareen dagaalka intii ay socdeen dagaalladii M23.

Xukunka dilka ah ayaa weli ka socda DR Congo, hase yeeshee markii ugu dambeysay ee la fuliyo 2003, ayaa si nidaamsan loogu beddelay xabsi daa’in.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*