3rd May 2025  admin  Category :

Asbestos: Maxay tahay sunta halista ah ee ka dhalatay howlgalka militari ee Israa’iil ka waddo Qasa?

Dagaalka militari ee Israel ee Gaza waxa ka dhashay shucaac sun ah oo loo yaqaan asbestos.

Macdanta, oo mar si weyn loogu isticmaali jiray qalabka dhismaha, waxay hawada ku sii deysaa shucaac sun ah marka la qaso kuwaas oo ku dhegi kara sambabbada oo – tobannaan sanana – sababi kara cudurka kansarka.

Hadda isticmaalkeeda ayaa laga mamnuucay adduunka intiisa badan, laakiin wali waxay ku dhex jirtaa dhismayaal badan oo duug ah.

Gaza, waxa laga helaa saqafyada asbestos-ka ee loo isticmaalo guud ahaan dhulka ay ku yaalaan sideedda xero qaxooti ee magaalooyinka – kuwaas oo loo sameeyay falastiiniyiintii ka soo qaxay ama laga saaray guryahoodii intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee saandkii 1948-49 – sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan deegaanka (UNEP).

Bishii Oktoobar ee sanadkii 2024, UNEP waxay ku qiyaastay ilaa 2.3 milyan oo tan oo burbur ah in ay yalaaan guud ahana Gaza oo dhan kuwaas oo laga ayaabo in ay ku jiraan sunta asbestos.

“Buerburka Gaza waxa uu sumeeyay deegaanka,” ayuu yiri Professor Bill Cookson, oo ah maamulaha Xarunta Qaranka ee Cilmi-baarista Mesothelioma ee London. “Dadku si ba’an ayay u silcayaan, laakiin sidoo kale muddada dheer sidoo kale, carruurtu ay qaadi karaa cuduro inta ay nool yihiin oo dhan.”

“dadka dhimanayaa ma aha mid halkan kuma dhammaanayso. Dhaxalku wuu sii socon doonaa,” ayuu yiri Liz Darlison, maamulaha Mesothelioma UK.

Marka asbestos-ku ay ku dhacdo duqeyn cirka ah, shucaaca – aad u yar oo aanay arki karin isha bini’aadamka – waxaa hawa ahana u qaadan kara dadka u dhow ka dibna waxay ku fafai karaan dahaarka sambabada.

Sannado badan – caadiyan tobanaan sano – waxay sababi karaan nabarro keeni kara xaalad sambabada oo halis ah oo loo yaqaan asbestosis, ama, xaaladaha qaarkood, nooc qallafsan oo kansarka sanbabada ah oo lagu magacaabo mesothelioma.

“Mesothelioma waa xanuun aad u xun oo aan la daweyn karin,” ayuu yiri Prof Cookson.

“Runtii waa mid welwel leh,” ayuu raaciyay, “ma aha mid la xiriirta xaddiga ay ka koobantahay. Markaa xitaa qaadashada yaryar ee shucaaca asbestos waxay keeni kartaa maadada mesothelioma.

“Waxay ku kortaa daloolka xuubka. Aad ayey u xanuun badan tahay. Had iyo jeer waxa la ogaadaa goor dambe. Waxayna si fiican ugu adkaysataa daawaynta oo dhan.”

Caadi ahaan, kuwa uu ku dhaco cudurka mesothelioma waxa la ogaadaa 20 ilaa 60 sano ka dib – taasoo la macno ah inay qaadan doonto tobanaan sano ka hor inta aan la dareemin saameynta suurtagalka ah ee guud ahaan dhulka. Heerka sare, ama muddada dheer, ee cudurku kusoo if baxo ayaa la rumeysan yahay inay dedejiso cudurku in uu kasii daro.

Dr Ryan Hoy, oo cilmi baaristiisa ku saabsan qaadashada iyo nefsashada busta ama boorka oo ay soo xigatay UNEP, ayaa sheegay inay aad u adag tahay in laga fogaado in la hawo ahaa loo qooaato ama la neefsado shucaaca asbestos-ka sababtoo ah waa “dhab ahaantii qaybo yaryar oo hawada sabeynaya oo si aad iyo aad u qoto dheer u geli kara sambabada.”

Xitaa way adag tahay in laga fogaado, ayuu yirii, sababtoo ah Gaza waxaa ku nool “dad aad u badan”. Dhulka waxa ku nool ku dhawaad 2.1 milyan oo qof waana 365 km2 taas oo ah qiyaastii rubuc ka mid ah baaxadda London.

Khubarada goobta ku sugan ayaa sheegaya in dadku aanay awoodin inay maareeyaan khataraha ka iman kara maaddada asbestos ama boorka oo la neefsado sababo la xiriira khataraha degdega ah ee weerarka milatari ee Israel.

“Waqtigan xaadirka ah, [qaadashada bustu] ma aha wax loo arko inay tahay shay walaac leh oo ay dadku qabaan. Xitaa ma haystaan wax ay cunaan, waxayna aad uga baqayaan in lagu dilo duqyen,” ayuu yiri Chiara Lodi, oo ah isku-duwaha caafimaadka ee Gaza ee Médecins Sans Frontières.

Maraykanka iyo koox ka mid ah dalalka Carabta ayaa soo jeediyay qorshayaal dib loogu dhisayo Gaza
Qoraalka sawirka,Maraykanka iyo koox ka mid ah dalalka Carabta ayaa soo jeediyay qorshayaal dib loogu dhisayo Gaza

“Ka warqab la’aanta ku saabsan khatarta asbestos-ka, oo ay weheliso caqabadaha jira [dadka Gaza] waxay wajahayaan in ay isku dayaan inay dib u dhistaan noloshooda, macnaheedu waa inaysan awoodin inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay isu difaacaan,” ayuu yiri afhayeenka Gaza oo fadhigiisu yahay hay’adda SOS ee Tuulooyinka Carruurta.

Dad badan ayaan “si buuxda uga warqabin waxyeelada ay leedahay busta iyo qashinka”, ayay raaciyeen.

Ka dib dagaalkii hore oo Gaza ka dhacay 2009, sahan Qaramada Midoobay ay ku sameeysay dhulka ayaa laga helay maaddada asbestos-ka burburka dhismayaasha qadiimka ah, cooshado, dhismayaasha ku meel gaar ah, saqafyada iyo darbiyada xayndaabka xoolaha.

Caalamka, ku dhawaad 68 waddan ayaa mamnuucay isticmaalka asbestos-ka, in kasta oo qaarkood ay sii wadaan ka-dhaafitaanka isticmaalka gaarka ah. Waxa laga mamnuucay UK 1999-kii, Israa’iil-na waxa ay mamnuucday isticmaalka dhismayaasha 2011-kii.

Sidoo kale mesothelioma, asbestos wuxuu keeni karaa noocyo kale oo kansarka sanbabada ah, larynx iyo kansarka ugxan sidaha.

Dr Hoy wuxuu sheegay in tirada badan ee bustq iyo boorka Gaza ay horseedi karto “khatarta sii kordheysa ee caabuqa neef-mareenka, caabuqyada marinnada hawada sare iyo hoose, oof-wareen, sii xumeynta cudurrada sambabada ee horay u jirey sida neefta,”

Muddo sanado ah, weeraradii 9/11 ee lagu qaaday Xarunta Ganacsiga Adduunka ee New York ayaa loo isticmaalay daraasad-kiis khubarada caafimaadku si ay u baaraan waxyeelada suntan ku jirta busta iyo boorkaa weyn ee wax yeelada ku ah dadka rayidka ah.

“Daaraha mataanaha ah kuma aysan dhisneyn goob dagaal,” ayay tiri Ms Darlison, “marka waxay ahayd wax aan awoodnay inaan cabbirno oo si sahlan u qiyaasno”.

Laga soo bilaabo Disembar 2023, 5,249 ka mid ah kuwa ka diiwaan gashan barnaamijka caafimaadka ee xarunta ganacsiga adduunka ee dowladda Mareykanka ayaa u dhintay cudurka neef mareenka ama kansarka – tiradaas oo aad uga badan 2,296 qof ee lagu dilay weerarka laftiisa. Wadar dhan 34,113 qof ayaa laga helay kansar isla muddadaas.

Maraykanka iyo koox ka mid ah dalalka Carabta ayaa soo jeediyay qorshayaal dib loogu dhisayo Gaza. Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in habka loo maareeyo si taxadar leh si looga fogaado in la carqaladeeyo qashinka faraha badan ee wasakhaysan asbestos-ka.

Afhayeen u hadlay UNEP ayaa BBC-da u sheegay in habka qashinka looga saarayo “ay kordhin doonto suurta galnimada dhibaatooyinka asbestos-ka iyo sii deynta shucaaca halista ah ee hawada”.

Qiimaynta UNEP ayaa muujisay in la nadiifiyo dhammaan qashinka in ay qaadan karto 21 sano , waxayna ku kacaysaa ilaa $1.2 bilyan.

Duullaanka Israa’iil ayaa lagu dilay in ka badan 53,000 oo Falastiiniyiinta Qasa ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) kama aysan jawaabin codsigii BBC ee ahaa inay faallo ka bixiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*