25th November 2024 admin Category :
Nin soo maray dhul badan, kana maqnaa dalka mudo 35 sanno ah, ayaa waxa uu ku soo noqday dalka Soomaaliya. Ninkan waaya araga ah ee dhulka badan soo maray, ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa uu soo galay maqaayad ku taala magaalada.
Ninkii dalabka qaadayey ayaa u yimid ninkii si dalabka uu uga qaado; ninkii ayaa dalbaday in loo keeno muufo, iyadoo la soo raacinayo hilib ari, hilib lo’aad oo laga sammeeyey buskeeti iyo hilib geel kaas oo la soo uumateeyey.
Ninkan waqtiga dheer dalka ka maqnaa ayaa waxa uu ku celcelinayey intii uu maqaaxida wax ka cunayey, illaahay ayaa mahad iska leh iyo maashaa allaah. Ninkii ayaa si fiican uga dhargay cuntadii, balse intii uusan lacagta bixin ayaa ninkii dalabka ka qaadayey waxa uu ninkii weeydiiyey, “War ninyahoow maanta oo dhan waxaad laheed illaahay ayaa mahad iska leh iyo maashaa allaah ee maxaad ka waday?”
Ninkii ayaa si degan ugu jawaabay ninkii su’aasha weeydiiyey, wuxuuna u sheegay in illaahay uu ugu mahad naqayey in uu cunnayey:
Muufo laga sameeyey galleey ka soo go’day beeraha dalka Soomaaliya;
Saliid macsaro laga soo shiiday sinsin ka soo go’day dalka Soomaaliya;
Hilib isugu jira ari, geel iyo lo’ ka yimid dalkeena hooyo ee Soomaaliya;
Muus ama moos ka soo go’ay beeraheena kuyaal Soomaaliya;
Cabitaan liin, seeytuun, babaay iyo cambe ka soo go’ay beeraheena ku yaal dalka Soomaaliya;
Saladh iyo liin dhannaan laga soo saaray dalkeena hooyo ee Soomaaliya.
Marka waxaan illaahay uga xamdi naqayey nimcadaa illaahay ina siiyey ee ummadda Soomaaliyeed ay arki la’dahay. Anigu waxaan soo maray dalal badan oo adduunak ah, marka arki meeysid dal intaas oo cunta ah ee aan isku cunnayey wada heesta, marka Soomaalida illaahay waxaan uga baryayaa in dalkooda nimcada taal ay arkaan, illaahaygii dajiyey dhulkaan barwaaqada ahna ay ku xamdi naqaan.
Ninkii maqaayadda joogay ayaa yiri, “ninyahoow aniga walligeey hoos uma eegin nimcadaa illaahay inagu manneeystay, awal wax micno weeyn ah iima sammeeyneen, balse hadalkaaga wax weeyn ayuu iga badalay.”
Ninkii maqaayada joogay ayaa ugu danbeeyn ninkii weeydiiyey inuu qurbaha dib ugu noqnayo iyo in kalle. Ninkii oo qoslaya ayaa yiri, “Anigu dibbed danbe umma socoda, awal aqoon darro ayaa I kaxeeysay, balse maanta waayo aragnimo ayaa ii soo koradhay, dalkeeyga nimcadiisa ayaan doonyaa inaan ku raaxeeysto, dalkeeygana waxaan leeyahay iga raali ahoow waayoo dhul kalle ayaan kugu doorsaday oo aan waxba ool.”