
2nd April 2025 admin Category :
Kooxda Al-Shabaab ee Dadqalatooyinka ayaa caawa isku fidisay deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye, iyagoo gudaha u galay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo dhaqdhaqaaqyo culus ay ka wadaan.
Goobjoogayaal ku sugan Ceelasha Biyaha ayaa Caasimadda Online u sheegay in caawa Afurkii kadib ay Shabaab soo galeen deegaanka, iyagoo isku fidiyey xaafadaha deegaanka Ceelasha Biyaha.
Waxay demiyeen layrarkii ku xirnaa jidadka waaweyn ee deegaanka, waxay dadka u sheegayeen inay si nabad ah ku joogaan deegaanka, mana jirin wax iska caabin ah oo ciidamada dowladda ay kala kulmeen.