7th September 2024  admin  Category :

Maleeshiyaad Somaliland maal geliyeen ayaa qabsaday Af urur. Qaar ka mid ah maleeshiyaadkii Yube qabsaday ayaa hadda gaaray gobolka Bari iyo Reer Bari oo sugaya naxariista SNM iyo alsabaab

Wararka ka imaanaya deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ayaa sheegaya in malayshiyaadka Alshabaab ee beelaha Isaaq maalgeliyaan ay saaka la wareegeen degaankaas.

La wareegida ayaa timid kadib markii ay halkaasi maalmo ka hor isaga baxeen cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladdaPuntland oo saldhig ciidanku lahaa.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in aan wax dagaal ah ka dhicin deegaankaas maadaama ciidamadii halkaasi ay ka soo baxeen islamarkaana saldhiga tuuladaasi uu cidlo ahaa wakhtiga Alshabaab yimaadeen.

Sidoo kale waxay sheegeen in malayshiyaadkaka Alshabaab oo ku hubaysan qoryaha fudud iyo kuwa Hoobiyaha loo yaqaan ay subaxnimadii hore ee saaka soo galeen saldhigii ciidamada Daraawiishta Puntland ee degaankaasi Af-urur.

Ilaa iyo haatan lama soo sheegin wax khasaare ah oo ay geysteen kooxaha Alshabaab ee qabsaday degaanka Af-urur ee gobolka Bari.

Maleeshiyaadkan soo galay Af urur ayaa ka mid ahaa maleeshiyaad maamulka Somaliland maalmahan ku ururinayeen degaanka Yube.

Sidoo kale nin lagu macaabo Suldaan, kana soo jeeda Maakhir oo horay ugu magcawnaa taliyaha ciidanka Somaliland ee gobolka Sanaag, gacan saarna la leh alshabaabka, oo ahaa ninkii u qaabilsanaa shidaalka markuu taliyaha ka ahaa Somalind , ayaa hadda maamulka beelaha Isaaq u sooo direen Maakhir, si culaysku u noqdo buuraha Calmadow oo ay si sahlan gacanta ugu dhihaan gobolka Sanaag

Ugu danbantii si looga adkaado loona jebiyo Argagixisada waa in saldhigyada ay ku leeyihiin gobolka Sanaag la burburiyaa oo aan la sugin inta ay ku xoogsanaynaan.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*