17th November 2025  admin  Category :

Xilalkii naas nuujinta Federaal iyo Muqdisho hadda wuxuu marayaa in Bulaacadaha iyo Kudaafadaha Agaasimayaal loo magcaabo

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo maanta wareegto soo saaray ayaa saameyn magacaabis si weyn looga fal-ceiyay, isla markaana dhalisay hadal-heyn xoogan.

Muungaab ayaa Mustaf Zakariye Bashiir Muude ayaa u magacaabay Agaasimaha Waaxda Bulaacadaha iyo Biyo Mareenada D/Hoose ee Xamar. Waxaana xilkii laga qaaday Maxamed Xasan Casir.

Basiima Ilyaas Muuse, ayaa iyadana loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kalluumeeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee Gobolka Banaadir. Waxaana xilalkii laga qaaday Md. Mustaf Maxamed Macallin iyo Md. Cabdiqani Axmed Xasan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*