19th September 2024  admin  Category :

Afhayeenka Booliska Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Qaraxyaddii Maanta

Khawaarijta naf lacaariga ah ee Al-shabaab ayaa maanta Qaraxyo argagixiso ku beegsaday dad shacab ah oo isugu jira Caruur, Haween iyo dad kale oo maata ah oo la daalaa dhacayay raadinta nolol maalmeedkooda.

Argagixisada arxanka darran waxa ay laayeen hooyooyin kuwaas oo ay naftu ka baxday iyaga oo caruurtooda dhabta ku haya, waxaa jira hooyooyin kale oo iyaga iyo caruurtooda ay isku kor dileen si naxariis la’aan ah taasoo muujinayso dhaqanka bahalnimada ee khawaarijta Alshabaab.

Qaraxyada oo labo ahaa Waxa ay la beegsadeen isgoyska Soobe ama KM5 oo ahaa goobtii ay Shan sano ka hor ku laayeen dadkii birimagayda ah 14 October, waxaana ujeedka weerarka ahaa beegsiga xarun waxbarasho oo loogu adeegayay ardayda Soomaaliyeed, laakiin ciidanka qaranka ee geesiyaasha ah oo sii hayay xogta dhagarta argagixisada ayaa ka hortagoodu waxa uu yareeyay Khasaarihii ay cadowga khawaarijta ah la damacsanayeen shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa wali socda tirakoobka xogta Khasaaraha weerarka naf lacaariga ah ee khawaarijtu geysteen, waxaanse xaqiijinaynaa in dadka Soomaaliyeed iyo dowladoodu ka go’an tahay ciribtirka cadowga arxanka darran.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u taagan tahay u adeegidda, Badbaadinta iyo ilaalina shacabka Soomaaliyeed iyo qarankooda, halka cadowga Soomaaliyeed ee khawaarijta ah hadafkiisu uu yahay baabi’inta dadka Soomaaliyeed.

May be an image of 6 people and outdoors

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*