28th March 2024  admin  Category :

Beesha Majeerteen sadbursigii Puntland Amni iyo horumar midna uma keenin welina way sii wadaan?

Dhowr iyo labatankii sano ee Puntland dhisnayd waxa ka jiray sadbursi ay inta badan samayn jireen madaxda Puntland mid dhexe iyo mid heer gobol . Sadbursigani magacyo badan ayeey ula baxeen oo lagu xalaalsaday nidaamkan xaaraanta ah sida Caruur ayuu ku korsanayaa Xafiiska IWM.

Sadbursigan madaxdii samaynaysay, haddii ayna horay u ogayn markii ay ku kacayeen dib u dhaca uu keeni doono , maanta waxaan cidna ka qarsoonayn inaanu u keenin Horumur i yo Amni iyo isku dhowaansho beelaha dhexdooda ah . Amni xumada maanta Puntland ka jirta waxa keenay oo sabab u ahaa waa shakhsiyaad markii hore diiday Caddalad daradan iyo sadbursiga madaxda Puntland samaynayeen , laakiinse markii danbe maciin biday inay kaashadaan quwado shisheeye, oo qaarkood yihiin Argagixiso.

Tusaale Gobolka Bari, waxa gudoomiye ka ah Siyaasi ka soo jeeda beesha Cali saleebaan ee Majeerteen isla markaa Degmada Carmo ee hoos tagta gobolka Bari waxa Gudoomiye degmo ka ah nin ka soo jeeda Beesha Cali Saleebaan, Majeerteen . Beesha Dubays ee Warsangeli ayaa degaan ahaan iyo Dad ahaanba uga badan Beesha Cali Saleebaan gobolka Bari. Welina waa lagu cel celinayaa in laysku bede bedelo Gudoomiyaha gobolka Bari iyo kan degmada Carmo ee gobolka Bari inay beesha Cale Saleebaan qaataan. Maaha mid ku salaysan wada lahaansho, degaan, tiro iyo taariikh hore.

Dhowaan madaxweyne Deni wuxuu sheegay in degmada Boosaaso u qaybinayo Afar waaxood. Sida ilo lagu kalsoon yahay noo sheegeen waxa loo wadaa Afartan waaxood kala qabtaan:

1. Cabdi Aboole Cali Saleeban xaafada lagu qoray waa New Bosaso

2- Ina Buhoolde , Cali jibraahil waxa lagu qoray wa Masjod Rashiid area

3 Siyasi ka soo jeeda beesha Deshiishe xaafada Cariga

4- Siyaasi ka soo jeeda beesha Cismaan Maxamuud xaafadda Laanta Hawad.

Ugu danbayntii maamulka Puntland iyaga oo maanta og dagaalka lagula jiro maamulkooda oo la doonayo ina lagu bur buriyo, iyada oo loo adeegsanayo khaladkii ay horay u galeen madaxda Puntland oo ay ka mid tahay Sadbursiga. Inay maanta ku fekeraan sadbursi hor leh oo kii hore ugu keeni waayey Amni iyo horumar, Laakiinse abuuray nacaybka beelaha walalaha dhexdooda , kaas oo maanta maraya meeshii ugu xumayd . Waa ka digaynaa in degaanada alshabaabku haysto ay maamulka Puntland kala weynaato Sadbursi aan amni iyo horumar keeni doonin. Sidoo kale waxaan ka digaynaa in dulqaadka beelaha qaarkood aan loo aragy in lagu tijaabin karo wax kasta.

ALLSANAAG.COM, NEWS@ALLSANAAG.COM

Allsanaag.com, new@allsanaag.com

3 thoughts on “Afarta xaafadood ee Boosaaso

  1. jamac

    Abdullahi ha u gafin wiilka bogga soo qoray. Hadalkaaga intiisa kale dhib uma arko laakiin inaad ku dhahdo ma ma lacagtii qadar baa kusoo gaartey waxee muujineysaa inaad ogolayn in la is dhaliilo ama cabasho la sameeyo ama qofku wixii dulmi uu u arko ka hadlo.
    Allsanaag markuu had iyo jeer puntland wanaaggeeda iyo weliba dheeri sheegayo wixii wax u dhimayana ka difaacayo isaga oon cidna wax ku siin, wuxuu ugu dhibtoonayaa oo ugu hawl galayaa waa dadkiisii iyo dalkiisa. Anigu reer sanaag iyo reer bari iyo reer sool midna ma ahi laakiin Harti ayaan ahay.

    Garaad boy waax dhihi lahaa xooggiina iyo xanaaqiinna harti hala soo aadinina ee cidda wax idiin dhintay garda. Hart waa meeshii aad usoo baqan lahayd ee ma ahan meeshii aad usoo booteyn layd.

    Reply
  2. muse

    Carmo miyuuWarsangeli doonayaa in uu Gudoomiye ka noqdo, Ma Laanta-Hawduu Doonayaa in uu gudoomiye ka noqdo, Ma xaafada Dashiishe iyo Wali Jibraahiil.

    Waa maxay qaylo-dhaantu iyo waaraydu????????????????//

    Reply

Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 677 Warning: Attempt to read property "user_id" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 28 Warning: Attempt to read property "comment_ID" on null in /customers/6/5/a/allsanaag.com/httpd.www/wp-includes/comment-template.php on line 48 Leave a Reply to Anonymous Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*